Maxkad Ku Yaala Kenya Oo Sii Daysay Nin Soomaali Ah Oo Haysta Dhalashada Dalka New Zealand

Gaarisa(OWN)- Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari ee dalka Kenya ayaa Xabsiga ka sii daysay Muwaadin lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Booliska ku jiray muddo dhowr maalmood.Muwaadin Soomaali Haysta Dhalashada Dalka New Zealand Oo La Sii Daayey.

 

Sulub Wafaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu dib u helo Xorriyadiisa, wuxuuna sheegay inaan wax jir-dila ah lagu sameynin.

 

Waxa uu sheegay in loo xidhay isagoo ku dhashay Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi la micno ahayn inuu yahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay Sulub Warfaa oo isaga iyo 10-qof oo kale ayaa todobaadkii hore lagu xidhay meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya .

 

Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey ugu soo eedeeyeen Ninkaas inuu watay laba Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan ku qornaa.

Sulub Wafaa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker