Waa kuma Ninka Carabka ah ee kitaabka Qur’aanka gubay?

Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Sweden kadib markii Kitaabka Qur’aanka lagu gubay mudaaharaad ka dhacay magaalada Stockholm.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marooko ayaa falkan ku tilmaantay mid gardarro ah oo mas’uuliyad darro ah, xilli muslimiintu ay u dabaaldegayeen mid ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan taariikhdooda.

Sidoo kale waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegay in kuwa u oggolaaday ay ku lug lahaayeen.

Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka maalinnimadii arbacada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker