Maraykanka Oo Soo Dhaweeyay Xidhiidhka Dhexmaray Taiwan iyo Somaliland

Golaha Amniga ee Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa dalka Taiwan ku bogaadiyey xidhiidhka ay la samaysay Jamhuuriyadda Somaliland,golaha oo ku sifeeyey xidhiidhkan mid wakhti baahi  ay u qabto dalka Taiwan yimid.

Qoraal lagu baahiyey bogga Twitterka ee golaha amniga aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay tahay war farxad leh inay arkaan dalka Taiwan oo xidhiidh la samaynaysa dal ku yaalla bariga Afriak, wakhti si aad ah loogu baahan yahay xidhiidhkaasi.

 

Golaha amniga Aqalka cad ee Maraykanku waxa uu intaasi ku daray in dalka Taiwan xdhiidh qoto dheer lee yihiin oo ku saabsan dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Taaageero farsamo iyo kuwo kale oo mihiim ah.

Dhinac kale, Dawlada Taiwan oo la dareen celisay hadalkan ka soo baxay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland la sameeyeen xidhiidh diblomaasiyadeed, is waydaarsadeen wakiilo kala meteli doona labada dal, laba dhinacna xafiisyo ka furteen caasimadaha. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Taiwan waxay sheegtya in xidhiidhkan saaxiibtinimo ee Jamhuuriyadda Somaliland sababi doono iskaashi dhexmara laba dawladood oo ku qotoma dhinacyada, Beeraha, waxbarashada, Kalluumaysiga, Tamarta iyo Macdanta,Farsamada iyo kuwo kale oo mihiim u ah labada dhinac.

 

Warkan ka soo baxay dalka Maraykanka waxa ku lifaaqnaa warbixin ay daabacday Jariirada Associated Press oo lagaga hadlayo guusha dalka Taiwan oo ciwaan looga dhigay “Dawladda Taiwan waxay ku guulaysatay fursad dahabi ah oo ah in ay xidhiidh la samayso dalka madaxa banaan ee Somaliland”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker