Hay’adda NISA Oo Gacanta Ku Dhigtay 79 Tan Oo Ah Sunta Qaraxyada Laga Sameeyo Ah

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.

 

Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Waranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ayay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen 79 ee madadaasi Sulfuricga ah iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay baadhitaan sharci ah ay wajihi doònaan,iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adaha kala shaqeeya la dagaalanka Argagixisada.

Warka hay’ada NISA waxa kusoo beegmayaa xili maanta ay ku beegantahay oo la xusayo qaraxii boqolaalka qof ay ku nafwaayeen ee is-goyska Soobe, kaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker