Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin,, Siyaasi Ismaaciil Buubaa

Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan
loogu xad-gudbin

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye
oo saxaafadda la hadlay maalintii Sabtida ayaa ku dooday in ninka jabhadka
ah ee la yidhaahdo Caare uu yahay farac ka mid ah xisbiyada WADDANI oo
ka mid ah saddexda xisbi qaran ee dalku leeyahay. Wax sahlan maaha in xisbi.qaran oo dastuuri ah,

kuna dhisan sharci baarlaman ansixiyey si fudud loogu

eedeeyo inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan oo qori iyo dagaal kala
hortimid qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Ururrada & Axsaabta
Siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011, waxay xisbiyada qaranka ku waajibiyeen inay u hoggaansamaan dastuurka,

xeerarka iyo hannaanka dimuqraaddiyadda,
iyadoo aanay u bannaanayn inay ku kacaan waxkasta oo wax u dhimaya
midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, dhammaanshaha dhul
ahaaneed (Sovereignty) iyo nabadgelyada guud ee dalka. Sida ku cad
qodobka 20 aad ee xeer Lr. 14/2011, xisbiyada qaranku waxa ay leeyihiin
qaanuuniyad sharci (legal personality) oo xisbiga qaran magaciisa ayaa lagu dacwayn karaa ama magaciisa ayuu wax ku dacwayn karaa,

waxaanna
xisbiga WADDANI u bannaan in isagoo raacaya shuruucda dalka uu dacwad
ku soo oogo ama uu maxkamad sharci ah la galo Wasiirka Warfaafinta Md.
Maxamed Muuse Diiriye, maadaama oo uu xisbigooda ku eedeeyey inuu
xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan halis ku ah amniga iyo qarannimada
dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu Wasiirkuna xaq u leeyahay inuu
dacwaddaas si sharci ah iskaga difaaco oo uu keeno wixii uu caddaymo u
hayo eedaynta uu u jeediyey xisbiga WADDANI.

Hasayeeshee, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee
WADDANI oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waxay
saxaafadda mariyeen hadallo ay ugu jawaabeen Wasiirka Warfaafinta, iyagoo
ay muuqato inay si buun-buunin ah arrintaas uga hadleen,

isla markaana ay u
jawaabeen si aan ku habboonayn curfiga iyo nidaamka xisbinimo, kuwaasoo
xusay waxyaabo aannu Wasiirka Warfaafintu sheegin, soona hadal-qaadin,
sida; ‘xisbiga WADDANI waa Soomaali-weyn…’ “Wasiirku waxa uu aaminsan
yahay in ciidanka qaranka inta ay isku haybta yihiin Guddoomiyaha WADDANI
ay u shaqeeyaan Cabdiraxmaan Cirro…’

weedhahaasi kumay jirin hadalka
Wasiirka, masuuliyiinta xisbiga WADDANI, gaar ahaan Xoghayaha Guud-na
may qurux badnayn inuu sheego, kana dhigo hadal ka soo baxay Wasiirka.
Dhinaca kale, Masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiinta kale ee
Wasiirka u jawaabay dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan degaanka uu ka
soo jeedo Guddoomiyaha
WADDANI,

tusaale ahaan Xoghayaha Guud ee WADDANI, siyaasiga Ismaaciil
Hure Buubaa iyo Cabdillaahi Geel-jire, taasina waxay bixinaysaa sawirka kale,
maadaama ay Wasiirkana isku degaan yihiin Madaxweynaha, waxaanna
habboonayn in si xisbinimo ah Wasiirka loogu jawaabo, iyadoo aynu ognahay
in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi qaran oo ay hoggaankiisa iyo guddidiisa
fulintaba ku jiraan siyaasiyiin reer Somaliland oo dhan ah,

balse ma qurux
badna in kolba shidhka hore soo fadhiistaan inta ay Guddoomiyaha isku
haybta yihiin, taasina waxay sawir xun ka bixinaysaa xisbiga qaran.
Xisbiyada qaranku (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) ha aaminaan
xisbinimadooda iyo awoodaha sharci ee ay leeyihiin,

hana ka hoos baxaan
shaadhka ama hadhka qabiilka iyo degaamaysiga ah. Cidda xad-gudub kula
kacda sifo sharci ah ha iskaga difaacaan, iyagoo adeegsanaya qaanuuniyadda
sharci (legal personality) ee ay leeyihiin, waanna in xisbiyadu bulshada
jiheeyaan, balse ma fiicna in xisbiyadu daba-socod u noqdaan dadka caamada
ah
ee hannaanka qabiilnimo ku xoogsada.

By Suxufi SInyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker