Mujaahid Xasan Guure Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Inaalilaahi Wainaa ilayhi Raajicuun Waxaa Xalay Magaalada Hargaysa ku Geeriyooday Gudoomiyihii Madasha Wada tashiga Somaliland Xasan Guure jaamac.

Hargeysa (OWN):- Marxuum Muj Xasan Guure Jaamac gudoomiyihii madasha wada tashiga Somaliland ayaa Xalay ku geeriyooday Hargeysa .

Yusuf Keyse Cabdilaahi Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo kamid ahaa Ehelada marxuumka ayaa hadda ii xaqiijiyay isagoo ku sugan hoyga uu Hargeysa ka Deganaa marxuumku .

Alle qabriga haw nuuro , waxaa uu kamid ahaa odayasha siweyn looga qadariyo Somaliland waxaanu sidoo kale ka tirsanaa saraakiishii ururkii dhaq dhaqaaqa wadaniga Somaliyeed ee SNM .

Alle marxuumka qabriga haw nuuro , marxumka oo naqaska uu ku dhegay saacadihii ugu danbeeyay ee Caawa ayaa lagula tacaalayay hargeysa islamarkaana uu ugu danbeyn u geeriyooday .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker