Xoghayaha guud ee Madaxweyne Muuse oo shirar Beesha sacad muuse u gaara iminka ku qabanaaya wadanka ingiriiska

London (OWN) – Xoghayaha guud ee Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu magacaabo Mubaarik ismaciil taani ayaa shirar xasaasiya Beesha Sacad muuse ee ay ka soo jeedaan caawa ugu qabanaaya magaalada Birmingham caasimada labaad ee ingiriiska. waxaana albaabada laga soo xidhay jaaliyadaha kale ee ingiriiska.
Xoghayaha mubaarik taani oo iminka mudo laba week ah ku sugan dalka ingiriiska, waxaa uu magaalo kasta ugu qabanaayey beeshiisa sacad muuse shirar joogta ah ,isagoo ugu danbeyn caawa ku shiranaaya magaalada Birmingham oo ay u muuqato shirarkii ugu danbeeyey ee jufadiisa kula kulmaayey madaama uu magalooyinka kale sida Bristol , West london. North London, Cardiff iyo magalooyin kale u hore shirarkani kale ugu soo qabtay.kuwaasi oo gaar u ah ka talo-bixintiisa.  
Ujeedada Arimahani ku saabsan iyo shirarka gaarka ah  ee uu beeshiisa qabanaayo. waxay ka muuqataa inay ka mid tahay arimaha uu halkani u yimi, laakiin ilaa hadana aanay jirin arimo qaran iyo kuwa guud oo aan ahayn wax beeshiisa dhaafsiisan oo uu yimi. si kasta ha noqotee waxaa rumowday xantii jirtay ee ahayd in qoyska Madaxweyne muuse ay isku koobeen taladdii wadanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker