Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Oo Socdaal Ku Tagaya Dalka Qatar Maalinimada Bari Ah, Ujeedada Safarkiisa.

Muqdisho-(OWN)-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa berri u safraya magaalada Doxa ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareeydo lagu kalsoon yahay  sheegayaan

Safarka Kheyre ayaa ah mid madaxeed rasmi ah oo dowladda dalkaas ay u fidisay ra’iisal wasaaraha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in booqashadan uu Kheyre kala hadli madaxda dalkaas arrimo badan oo ay ugu weyn tahay mashaariic hore ay Doxa u ballan-qaaday inay ka fulineyso Soomaaliya.

Ma jiraan faah-faahinno intan dheer oo laga helayo safarka Kheyre, oo la sheegay inuu yahay mid muddo ka hor la qorsheeyey inuu dhaco, waxaana maanta Muqdisho ka baxay wafto hurdhac u ah booqashadan.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee  xidhiidhka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

Natiijada sawirka khayre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker