Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Kacay Keyd Shidaal Oo Ku Yaalla Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo Magaalo Ganacsiyeedda Maamul Goboleedka Puntland ee Boosaaso oo ah Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in goob Keyd Shidaal ah uu dab xooggani ka kacay kaasi oo illaas aacadihii ugu dambeeyey ka socday halkaasi.

Dabkaas ayaa goobta uu ka kacay waxaa ay sigaar ah uga tirsan tahay xaafadda Hilaac ee Boosaaso, waxaana la sheegay in dabka uu markii hore qabsaday Booyad, balse markii dambe uu kusii faafay goobta Keydka shidaalka ah.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dabkaas uu socdo muddo 40 daqiiqo ah, isla markaana ay goobta ay gaareen gaadiidka dab demiska ee shirkaddaha iyo dadweyne farabadan oo ka qeyb qaadanaya howlaha Gurmadka ah ee halkaas ka socda.

Qiiq iyo uuro madow ayaa hawada isku shareertay, taasi oo ka baxeysa halka uu ka socdo dabka, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday goobta lagu faafiyay baraha Bulshada.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dabkaas uu geystay Khasaaro dhaawac oo ay waxyeelo kasoo gaartay laba ruux, halka sidoo kalena uu jiro Khasaaro hantiyadeed oo badan, waxaana aad loo adkeeyay amniga goobta oo la geeyay Ciidamo ka tirsan Puntland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker