Xafiltanka Dhaqaale ee u dhexeeya Wadamada Maraykanka iyo Shiinaha oo Cirka isku shareeray

Qalinkii Suxufi Sinyoore

)====Meel uu joogaba Bani aadamku waa is hayaa Haddii ay Tahay Mid dhinaca milatariga ah amA Mid Dhaqaale Balse Maanta waxaynu waxka xusaynaa kan u dhexeeya Wadamada Shiinaha iyo Maraykanka .

Dagaal oo dhan waa dagaal dhaqaale, sida dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Ameerika iyo Shiinaha (waa Jamhuuriyadda Dadweynaha ee Shiinaha).

Waxay la noqotay Madaxweyne Donald Trump in ay dalkiisa ku tahay cadaalad darro ganacsiga u dhaxeeya Ameerika iyo Shiinaha.

Sida ku cad shaxda 1aad ee hoos ka muuqata, dalka Shiinaha ayaa u dhoofiya Ameerika badeecado kala duwan oo guud ahaan qiimahoodu yahay $539.50 billion sanadkii 2018.

Ameerikana waxay u dhoofisay dalka Shiinaha badeeca dhan $120.30 billion sanadki 2018. U Fiirso Shaxda 1aad.

Madaxweyne Trump ayaa qaatay go’aan ah in la dul saaro badeecada laga keeno Shiinaha canshuur dhan 25% sanadki 2017 (iyo 10% oo ku daray kale asbuucan) si ay u yareeyaan farqiga ganacsi ($419.20 billion) ee u dhaxeeya labda dal ama si la isugu dheelitiro ganacsiga Ameerika iyo Shiinaha iyo in lagu qasbo dalka Shiinaha in uu kordhiyo soo iibsashada badeecada dalka Ameerika.

Si la mida tallaabadaas uu qaaday dalka Ameerika, ayaa dalka Shiinuhuna canshuur dul saaray badeecada uga timaada Ameerika.

Canshuurti la saaray badeecadaha labada dal waxay keentay in guud ahaan ganacsiga u dhaxeeya labada dal uu hoos u dhaco inkasta oo dhibku ku badan yahay dalka Shiinaha.

Saameynta Soomaalida

Si dadban ayay uga faa’iideen ganacsatada Soomaalidu dagaalka dhaqaale ee u dhaxeeya Ameerika iyo Shiinaha.

Canshuurta Ameerika waxay qaali ka dhigtay badeecada uu Shiinuhu u dhoofiyo dalkaas. Si ay u dhinto waxyeelada canshuurta, dalku Shiinuhu wuxuu hoos u dhigay sarifka lacagtooda. Fiiri Shaxdan

Sida ku cad shaxdan shan sano ka hor (Agoosto 4, 2014), sarifka halki Doolar (USD/CNY) wuxuu ahaa 6.18 Yuwaan (RMB). Hadda halki Doolar waa 6.94 Yuwaan.

Taas waxay tilmaamaysaa in qiimaha Yuwaanku (CNY) uu hoos u dhacday 12.30% shan sano gudaheed.

Dakhliga ganacsatada Soomaaliya waa Doolar; waxayna wax uga soo gataan Shiinaha Yuwaan (Yuan Renminbi). Haddii uusan isbadelin qiimaha badeecadu, ganacsatadeenu waa ka faa’iidayaan markasta oo sarifka Yuwaanku uu hoos u dhaco.

Dhinaca kale, dowladda Shiinaha ayaa xoogga saartay sidii ay suuqyo cusub ugu heli lahayd badeecadaha kala duwan oo ay dhoofiso si ay u yareyso waxyeelada dhaqaale ee ka soo gaari doonta dagaalka ganacsi ee kala dhaxeeya Ameerika.

Sidaas awgeed, Dowladda Shiinaha ayaa u fududeeysay ganacsatada Soomaaliya helitaanka ogolaashaha dal ku galka (Entry Visa) ee dalka Shiinaha.

Baaq Furan oo ku Socda Ganacsatada Soomaaliyeed

Waxaan ugu baaqaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay qiima dhimis u sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee wax ka iibsada.

Dakhliga ganacsatadeenu waa Doolar waxayna wax ku soo gataan lacag fudud. Lacagaha dalalka ay badeecada ka soo gataan waa dhaceen oo raqiis ayay ku soo heleen badeecada.

Badeecada taala suuqyada Soomaaliya badankeed waxaa si toosa ama dadban looga keenaa dalalka Shiinaha, Turkiga, iyo Hindiya.

Sida ku cad shaxda 3aad iyo tan 4aad, sarifka Yuwaanka Shiinaha (USD/CNY), Liiraha Turkiga (USD/TRY) iyo Rubiiga Hindiya (USD/INR) hoos ayay u dhaceen shanti sano ee la soo dhaafay. Liiraha Turkiga wuxuu hoos u dhacay 159.26%; Rubiiga Hindiyana wuxuu hoos u dhacay 9.22%; Yuwaanka Shiinahana 12.30%.

Inkasta oo dowladdu bilowday in ay ganacsatada badeecadaha qaarkood ka qaado 5% canshuurta iibka (5% Sales Tax), ganacsade aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay in mushaarka la siiyo shaqaalaha dukaamada, bakhaarada, iyo xafiisyada ganacsatada Soomaaliyeed aysan kordhin ama waxyar ku kordheen shanti sano ee la soo dhaafay.

Waa run in uu ijaarka goobaha ganacsigu uu kordhay laakin ijaarku waa “fixed cost” oo markii ganacsigu kordho ama wax soo saarku iyo iibku bato waxaa hoos u dhacaa “average fixed cost per unit” ka.

Marka waa caqligal dalabka ah in ganacsatadu ay siiyaan qiima dhimis macaamiishooda.

Ganacsiga Soomaaliya waa suuq furan. Haddii nabad la helo, waxaa soo geli doona ganacsiga gudaha shirkado ajnabi ah oo leefi doona ama suuqa ka saari doona shirkadaha dalka (bal u fiirso waxa ka dhacay ganacsigii duulimaadyada, howshii Xajka iyo dhismaha daaraha waa weyn).

Waxaa ii muuqata in ganacsi badan ay la wareegi doonaan shirkado ajnabi ah shanta sano ee soo socota.

Sidaas awgeed, waxaan markale ugu baaqaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay sameeyaan qiima dhimis iyo in ay kordhiyaan, hagaajiyaan adeegga ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed iyo tayada badeecada ay keenaan.

Waa muhiim in ganacsatadu la yeelato macaamiishooda xidhiidh wanaagsan (good customer relationship) si ay daacad ugu noqdaan ( customer loyalty) oo u xajistaan macaamiisha (customer retention).

Hadaba Dagaalka dhaqaaluhu waa kan ugu xiisaha Badan dunia

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker