Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Oo Maanta Geeriyooday

Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xassan Ciise, ayaa Saaka oo Sabtiya ku geeriyooday Magaalada Garoowe .

 

Geerida Marxuumka, waxaa xaqiijisay Madaxtooyada Puntland, waxaana ka tacsiyeeyay Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

 

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa Garoowe kadib markii ay Neefsashadu ku adkaatay, waxaana isla saaka la doonayay in loo qaado dhanka Magaaalada Muqdisho.

 

Xilka Wasiiru-dowlaha waxaa loo magacaabay 21-kii October 2019 waxaana uu Xafiiska hayay mudda sagaal bilood iyo maalmo ah.

Marxuum Maxamed Xassan Ciise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker