Ciidan Dawlada Jabuuti ee ka Tirsan Amisom oo mushaar la’aan ka cabanaya

Muqdisho ( OWN ) – Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa xilligan ka cabanaya mushaar la’aan heysata in muddo ah.

Ciidamadani ayaan qaadan wax mushaar ah muddo sanad ah, sida uu qoray wargeyska Indian Ocean Newsletter.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in ciidamada kale ee AMISOM ay qaateen mushaaraadkooda, balse kuwa Jabuuti aysan weli helin.

Askariga kasta oo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata 800 oo Dollerka Mareykanka ah, waxaana lagu soo warramayaa in Midowga Africa uu mushaarka ciidamadaasi ku wareejiyey dowladda Jabuuti, balse aysan weli iyadu bixin.

 

Cabashada ciidamadan oo muddo dheer soo jiitameysay ayaan weli jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowladda Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa ka howlgala deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker