Hogaamiyayaasha Wadamada Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku shiray Abu-Dhabi.

Abu-Dhabi-(OWN)-Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha heshiiskii taariikhiga ahaa Ee ay wada gadheen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.

Sida uu qoray Wargeyska The Gulf-News ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweyne Isaias Afwerk ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Isku-taga Imaaaraadka Carabta oo ay ku joogaan booqasho rasmi ah.

Dhaxalsugaha Imaaradda ayaa ka sheegay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen saddaxda hogaamiye in dowladda Imaaraadku gacan weyn ka geysatay heshiiska labada dowladood, islamarkaana taageerayaan dadaal kasta oo heer caalami ah oo nabad iyo degenaasho lagu doonayo.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Boqortooyada ayaa sidoo kale waxaa saddexda hogaamiye ku wehlinayay taliyaha ciidamada oo shirka hormuud u ahaa iyo waliba wasiiro ka tirsan saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea ayuu xidhiidhkoodu xumaa in ka badan 20 sano, iyadoo uu dhax-maray dagaal culus oo lagu hoobtay, kaasi oo ku saleynaa muran dhinaca xadka ah oo muddo dheer-ba dhax yaalay labada dal.

Laakiin Abiy Ahmed ayaa markii uu la wareegay tallada dalka tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday-ba noqotay in uu soo celiyo xidhiidhkii labada dowladood, isaga oo heshiis rasmi ah oo nabadeed la gaadhay madaxweyne Afwerk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker