Dawladda Norway oo Shaacisay 1,600 oo Qaxoonti Soomaali ah In Ay Dalkkooda Dib Ugu Soo Celinayso.

Oslo,Norway-(OWN)-Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in 1,600 oo qaxoonti Soomaali ah ay dib ugu soo celineyso dalka,waxaana ay dowladdu sheegtay in Soomaaliya hadda ka xasilloon tahay sidii hore.

Waaxda socdaalka Dalka Norway ayaa sheegtay in kaadhadhka qaxootinimo lagala noqnayo dadka Soomaalida ah,iyada oo Hay’ad u dhaq dhaqaaqda Qaxootiga oo taageersan Dowladda Norway ay arrintaas diidday.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay (NOAS), ayaa diiday waxaana ay dowlada ku eedeeyeen in ay jabineyso xeerarka caalamiga ah.

Waxaa ay Hay’addan ku doodeysaa in Soomaaliya aanay wali amaan ahayn islamarkaana gaadhin heer dib loogu celiyo muwaaddiniinta Qaxoontiga ku ah dalka Norway.

Dowladda Norway ayaa iska dhegatirtay baaqa Hay’adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah ee kaadhadhka qaxoontinimo ku heysta dalkaas.

André Møkkelgjerd, oo ka tirsan Hay’adda (NOAS) ayaa sheegay in go’aankan dowladda ay Maxkamad kula tiigsanayaan islamarkaana doonayaan in arrintan wax laga qabto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker