Dagaal Qowmiyadaha Soomaalida Iyo Cafarta Ku Dhexmaray Itoobiya & Khasaaraha Ka Dhashay

Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalladda Addis Ababa ayaa qoray inay xiisadi ka dhex aloosan tahay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta, kuwaasi oo isku haysta milkiyadda Deegaan lagu magacaabo Endefo ama Kebele yareey oo ku taalla xuduudka ay wadaagaan Maamul-gobaleedyadda Soomaalida iyo Cafarta.

 

Wargeyska The Reporter waxa uu ogaaday in dagaal bishan December 25-dii ka dhacay Deegaankaasi, kaasi oo u dhexeeyey Boliska Gaarka ee Maamul-gobaleedka Cafarta iyo kooxo hubeysan oo dibadbax ka dhigayey Deegaanka Endefo ama Kebele yareey.

 

Iska horimaadkaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay 13-qof.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxa la sheegay inuu hoos tago Maamul-gobaleedka Cafarta,, balse waxaa deggan Qowmiyadda Ciisaha ee Soomaalida iyo dad kale oo laga tiro badan yahay.

 

Goobjooge la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay inuu iska horimaadku bilowday, kadib, markii ay koox bilowday inay Calanka Maamulka Cfaarta dejiyaan, kuna bedelaan Calanka Maamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Dibadbaxyaasha waxay jid-gooyo ku sameeyeen Jidka dheer ee Deegaanka Kebele Yareey ku xira Maamul-gobaleedka Tigreega.

 

Jidkaasi oo muddo 4 saacadood xirnaa waxa kale oo uu isku xidhaa dalka Jabuuti iyo Goballadda kale ee Ethiopia.

 

Ku-xigeenka Madaxa Guddiga Beeraha ee Deegaanka Endefo, Cabsdi Buux oo la hadlay Wargeyska The Reporter ayaa sheegay in maalintii 2-aad ay dib gaadiidka ugu fureen Jidka ay Dibadbaxayaaasha ku jareen dhagxaanta.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Difaaca iyo kuwa Boliska ee Federalka Ethiopia ayaa la geeyey Deegaankaasi, inkastoo ay weli xiisadi ka jirto.

 

 

Xigasho: thereporterethiopia.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker