Ururka Alshabaab oo Weerar Xoogan ku Qaaday Deegaanka Bariire oo Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Afgooye (OWN)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dhawaan Al Shabaab lagala wareegay.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay xili dambe ururka Al SHabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Bariire, oo muddo badan ay Al Shabaab maamuli jireen.

Dagaal saacado qaatay ayaa ka dhacay Bariire, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in Al Shabaab jihooyin badan ay ka weerareen deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, waxaana Dagaalkii xalay uu sababay khasaaro kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kala kulmeen Al Shabaab, islamarkaana dhankooda khasaaro badan uusan soo gaarin.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana Al shabaab ay weerareen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose.

Afar maalin ka hor ayaa Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan la wareegay gacan ku heynta deeganka Bariire, laakiin dib ayay isaga baxayeen, waxaana kadib dib u qabsanayay Al Shabaab.

By Suxufi Sinyoore oodwaynemedia Hargaysa OFFICE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker