Qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee Muqdisho

Qarax xoog leh oo ka dhashay qof isku soo xidhay waxyaalaha qarxa ayaa   ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in isku qarxiyay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad rayid ah. Isgoyska Juba ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo xarunta nabadsugida qaranka.

Horaantii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa qarax sidan oo kale uu uga dhacay goob ganacsi oo ku taal isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker