Shil diyaaradeed oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Ballidoogle

Diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka Midowga Africa ee ATMIS oo tababareysay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku burburtay deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ay ku dhinteen saddex qof, siddeed kalana ay ku dhaawacmeen.

ATMIS ayaa wax laga xumaado ku tilmaannay in saddex ka mid ah kow iyo tobankii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda ay naftooda ku waayeen.

Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

Madaxa ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii dhintay, wuxuuna u rajeeyay saraakiishii dhaawacantay bogsasho degdeg ah.

ATMIS ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker