Qaraxyo Saaka Gilgilay Magaalada Muqdisho

Dhawaaq  qaraxyo ayaa saaka aroortii hore  waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lagu xidhay qaar kamid Kaamirooyinkii CCTV ee bilo kahor lagu xiray Waddooyin qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Dad u soo baxay salaadii subax ee saaka ayaa sheegay inay maqlayeen   ilaa iyo 5 qarax oo is xig-xigay, kuwaasi oo lagu burburiyay Baalayaasha xambaarsan Kaamirooyinkii qaar ee dowladda ku xirtay Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan kuwa ku yaallay Nawaaxiga Isgoyska dabka.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada ay burburiyeen dhowr Kaamiro oo ku xirnaa Wadada Al-Mukarama ee Muqdisho, in kastoo aan tirro rasmi ah laga heyn inta la burburiyay.

 

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa dhowr bilood kahor wadooyinka qaar ee ku yaalla Muqdisho gaar ahaan kuwa muhiimka ah ku xirtay Kaamirooyinka CCTV, kuwaasi oo loogu talagalay in loo adeegsado dhanka amniga Caasimdda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker