Dagaalka U Dhaxeeya Taageerayaasha Arsenal Iyo Qoyska Milkiilaha Kooxda Oo Meel Qadhaadh Maraya

Taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn uga cadhooday wiilka uu dhalay milkiilaha Arsenal Josh Kroenke ka dib markii uu warqad furan u qoray taageerayaasha kooxda.

 

Warbaahinta ayaa baahisay warqad furan oo uu Wiilka Stan  U qoray taageerayaasha isagoo ku sheegay in isaga iyo aabihiis ay kaliya doonayaan inay guulo gaadhsiiyaan kooxda, waxaana uu sheegay inay dhaawacday kana cadheysiisay eedeymaha ay kala kulmayaan taageerayaasha Arsenal.

 

 

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa ka sii xanaaqay warqada uu soo qoray wiilka milkiilahooda iyagoo sii wada mudaharaadka ay ugu magacdareen: “We care, do you?”

 

Waxay cadhadood ku soo bandhigeen Twitter iyadoo taageere uu soo qoray: “Warqad furan oo ka timid Josh Kroenke kuna socota taageerayaasha. Hal mar xitaa laguma xusin bajadka suuqa kala iibsiga ama ciyaartoy cusub oo aan soo iibsaneyno. Qoyskaan waa ay ina dhacayaan. #WeCareYouDont.”
Mid kale ayaa soo qoray:

 

“”Josh Kroenke, Stan Kroenke iyo dhamaan xubnaha qoyskooda fadlan ka tageen Arsenal. Waan daalnay #WeCareDoYou”.
Mid seddexaad ayaa yidhi: “Warqada Josh Kroenke waa warqadii ugu waxtarka yareyd ee aan abid akhriso… aad ayay u dheer tahay hadana wax micno ah oo uu ku sheegay ma jiraan.”

 

Taageere kale ayaa soo qoray: “Qoyska Kroenke wax ixtiraam ah uma hayaan qiimaha iyo qaayaha kooxda, waxaan u baahanahay madax hami leh, qoyska Kroenke ma ahan kuwa hami leh. Aaway maalgashigoodii? Maaliyad qurxoon oo Adidas ah iyo saxiixyo la’aan nama qabato. #WeCareDoYou.”

 

“Hadalka waa raqiis Josh Kroenke. Ficil ayaa la doonayaa” ayuu yiri taageere kale oo Arsenal oo careysan.
Shalay ayay 16 kooxood oo taageerayaasha Arsenal waxa ay isku baheysteen inay warqad u qoraan kooxda iyagoo ka dalbanaya in isbedel dhanka maamulka ah la sameeyo iyo inay kooxda ku soo laabato halkii lagu yaqiinay, waana tan maanta keentay in wiilka uu dhalay milkiilaha kooxda uu isna warqad kale ku soo jawaabo balse ay ka sii careysiisay taageerayaasha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker