Ingiriiska oo Turkiga u haysta gabar sinaha inay weynaysato u aaday Turkiga oo geeriyootay

Ka dib markii ay kordheen kiisaska dhimashada ah ee muwaadiniinta dalka Ingiriiska u dhashay ee dalxiiska isqurxinta u aada Turkiga, ayaa dowladda Ingiriisku waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Turkiga ay kala hadli doonaan xeerarka la xiriira caafimaadka iyo qalliinada is qurxinta.

Meliss Kerr, oo 31 jir ahayd, ayaa u dhimatay qaliinka misigta(sinta) ee Brazilia oo lagu sameeyay Isbitaalka Medicana Haznedar ee Istanbul sanadkii 2019-kii.

Baaritaan lagu sameeyay arrintaan ayaa muujinaya in dadka Turkiga u aada is qurxinta aan la siinin macluumaad ku filan oo ay ku ogaan karaan khatarta uga imaan karta qalliinadan.

Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka UK Maria Caulfiled ayaa sheegtay in dawladdu “ay arrintan u qaadan doonto si dhab ah”.

Iyada oo ka jawaabeysa warbixintii ay diyaarisay Norfolk Coroner Jacqueline Lake si looga hortago dhimasho la mid ah tan hadda dhacday, waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ay dhowaan tagi doonaan Turkiga oo ay la kulmi doonaan dhiggooda.

Qaliinnada la isku qurxiyo waa ka mamnuuc gudaha UK, iyadoo loo sababay halista ka imaan karta.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga oo aan xiriir la sameynay kama aysan jawaab su’aalihii aan weydiinay tan iyo markii warkaan la baahiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker