Dawlada Turkiga oo Diyaarad sida Dakhaatiir iyo Dawooyin U soo Dirtay Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Waxaa saaka aroortii hore garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidda gurmad deg deg ah oo ka timid dalka Turkiga.

Diyaaradaan ayaa keentay dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye.\

 

Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda federaalka oo uu ugu Horreeyo wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigan iyo dhaqaatiirta ka socota Turkiga ku soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Turkiga sida walaaltinimada leh oo uu markasta ugu taagan yahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay dhacaan musiibooyinka.

 

Weerarkii ismiidaaminta Ahaa  ee shalay oo ay ku dhinteen dad fara badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo u badnaa shacab ayaa waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay oo hadda ku jira isbitaallada Muqdisho.

Dadka dhintay sidoo kale waxaa ka mid ahaa Injineero Turki ahaa, kuwaas oo qaraxu haleelay, xilli ay marayeen isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker