Shil Laba Gaadhi Oo Sababat Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacay Duleedka Boorama

Shil laba gaadhi oo shalay  ka dhacay duleedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal  , kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

 

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii gaadhi nooca Baska iyo mid kale oo raaxa ah ay isku dhaceen oo ku socday xawaara sare, xili ay iskaga hor yimideen agagaarka Bar koontarool oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama.

Inta la xaqiijiyay laba qof  ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka 7 qof kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka ilaalada Boorama ee Somaliland Maxamed Nuur Qolombi.

 

Sidoo kale Maxamed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in dadka waxyeelada soo gaadhay loo sameeyay gurmad xoogan, isla markaana dhaawacyada la geeyay Isbitaal, si loogu daaweyo, halka labada qof  ee geeriyooday la aasay.

 

Maalmo kahor ayey markii sidaan kale shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay degaan hoostega Magaalada Berbera, waxaana xusid mudan in shilal dhowr ah uga dhaceen halkaas, kuwaasi oo khasaaro dhaliyey badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker