Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal .

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaadheen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xidhiidhka labad dal.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker