Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyey maxaabiis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Cafis
Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/244/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;
Markaan Tix-geliyay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/334/2023, kuna taariikhaysan 20/07/2023;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker