Kooxda Barcelona oo Isha ku haysa Guusheedii 3aad ee.Laliga

Barcelona ayaa isha ku haysa guushii saddexaad ee xidhiidh ah eebHoryaalka La Liga marka ay soo dhawayn doonaan kooxda qaab ciyaareedka aan joogtada ahayn ku jirta ee Valencia maanta.

Kooxda tababare Ronald Koeman ayaa soo guuleysatay labadeedii kulan ee ugu dambeeyay iyadoo booska shanaad ka joogta miiska kala sarreynta horyaalka La Liga halka Valencia oo guuleysatay kaliya saddex kulan 13 kulan oo ay horyaalka ka ciyaartay ay booska 12-aad joogto.

Barca ayaa xilli ciyaareedkan sida muuqata aad ugu soo dhibtootay La Liga iyadoo afar guuldarro lasoo kulantay isla markaana soo lumisay dhibco kala badh ah 12-ka kulan ee ay soo ciyaareen.

Wararka Kulankan Ee Labada Kooxood

 

Barcelona ayay markale ka maqnaan doonaan Gerard Pique, Ansi Fati, Sergi Roberto iyo Ousmane Dembele balse aan wax dhaawacyo ah oo cusub la kulmin kulankii Real Sociedad.

Clement Lenglet ayaa booska daafaca dhexe ka bedeli kara Oscar Mingueza haddii uusan Koeman dooran shax lamid ah midii kulankii Sociedad.

Martin Braithwaite ayaa la rajaynaya inuu markale booska garabka bidix kaga soo hor mari doono Philippe Coutinho halka Pedri iyo Antoine Greizmann ay dib u heli doonaan boosaskoodii.

Dhinaca kale Valencia waxa wali ka maqnaan doona Jasper Cillisen iyo Kevin Gamiero oo dhaawacan halka uu sidoo kale ciyaartan seegayo Toni Lato oo dhawaan laga helay xanuunka Korona Fayras.

Jose Gaya ayaa kasoo laabtay dhaawac muruqa ah oo booskii Lato buuxin kara halka Diakhaby uu booskiisa u waayi karo Mangala iyo Guillamon.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Araujo, Lenglet, Alba; De Jong, Busquets; Braithwaite, Pedri, Griezmann; Messi

Valencia: Domenech; Wass, Paulista, Diakhaby, Gaya; Musah, Racic, Soler, Guedes; Vallejo, Gomez

 

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Wakhtiga: 6:15 fiidnimo xilliga geeska Africa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker