Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inaanay Ku Qancin Jawaabtii Ay Bixisay Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya Munica Juma ayaa sheegtay in aanay marna taako dhulkeeda ka mid ah aysan ka tanaasuli doonin.

Waxa ay sheegtay goobta lagu muransan yahay inay tahay dhul ay leedahay dowladda Kenya, islamarkaana aanay ku qancin jawaabtii ay bixisay Soomaaliya.

 

Dawladda Kenya ayaa sheegtay qeybo ka mid ah Badda lagu muransan yahay in aanay wax wada hadal ah ka gali doonin, Kenya waxay is leheysiineysaa Badda, waxaana ay wasiirka sheegtay in aan muran laga gali karin qeybta ay iyagu sheeganayaan.

 

Xidhiidhka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday tan iyo markii Dowladda Kenya ay soo ceyrisay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalkaasi, islamarkaana ay la baxday safiirkeeda.

 

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker