Xidhiihdka Kubadda Cagta ee Uefa oo soo Saaray Liiska Afarta Xidig ee Sannadkan Ku Tartami doona Ciyaaryahanka ugu Fiican

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay liiska Afar xiddig ee  ku tartami doona ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka UEFA Champions League toddobaadkan xilli lasoo af-meeray guud ahaan wareega Group-yada.

 

Afar ciyaaryahan oo tartami doona toddobaadkan ayaa ah garabka weerar ee PSG ee Neymar, gool dhaliyaha Sevilla ee El Nesyri, ruug-caddaaga Real Madrid ee Karim Benzema iyo goolhayaha Shakhtar Donestk ee Trubin.

 

Aan ku bilawnee Neymar Jr ayaa saddexley goolal ah kasoo dhaliyay Istanbul Basaksehir kulan xalay ka qabsoomay Parc des Princes xilli ay 5-1 kaga soo adkaadeen kooxda reer Turkey.

 

Dhinaca kale weeraryahanka Sevilla ee El Nesyri ayaa guul 3-1 ah inay kooxdiisu kasoo gaadho dhigeeda Rennes ka caawiyay isaga oo laba kamida goolasha saddexda ah ee kooxda Andalusian-ka ah dhaliyay.

 

 

Karim Benzema ayaa ahaa sababta ay Real Madrid ku gaadhay wareega 16-ka ee Champions League iyo waliba inay booska 1-aad ku baxaan iyagoo 2-0 ku dubtay Borussia Monchengladbach xilli uu isagu labada goolba saxeexay.

 

Ugu dambayn, goolhaye Trubin ayaa ka caawiyay Shakhtar inay bar-bardhac lasoo gasho Inter Milan oo San Siro joogtay isagoo kooxdiisa usoo saaray UEFA Europe League kuna qasbay inay Inter booska ugu hooseeya Group-ka ku dhammaysato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker