Dawladda Federalka ah ee Somalia oo Qorshaynaysa inay Dacwayso Dalka Guinea Conakry oo Uu ku Sugan yahay Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu Hogaaminayo

Muqdisho (OWN) –Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu baaqday kulan uu Saxaafadda isugu yeedhay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad .

Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wacay Wariyeyaasha gudaha iyo dibadda, iyadoo loo sheegan inay kasoo qeybalaan shir jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka.

 

Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeedhay Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirku soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Oodwaynemedia ayaa  u xaqiijiyey inuu wasiirku Damacsanaa inuu ka hadlo  booqashada Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Guinea  Conakry iyo maqaamka soo dhawayneed ee uu kala kala Kulmay Dalkaasi .

Dowladda Soomaaliya ayey illo wareedyadaas xaqiijiyeen inay dacwad ka dhan ah Dalka Guinea u gudbineyso Midowga Afrika maadaama ficilkaas ay u aragtay inuu yahay mid ay Dowladda Guinea ku aqoonsaneyso Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  iyo Waftio Ballaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure.

Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame..

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya u caraysan dalka Guinea iyo tallaabo ay qaadeyso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker