Uganda: Museveni Oo 100km Soconaya Si Uu U Xuso Halgamayaashii Xoriyada Dalkiisa

Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka qayb qaadanaya munaasabad socod ah oo dhan 100km, kaas oo loogu talo galay in lagu xushmeeyo Geesiyaashii Xoriyada ee dalkaas.

 

Socodkan 100km ah oo qaadan doona mudo 3 maalmood ah,  waxa uu ka bilaabmayaa deegaanka Galamba ee Badhtama Uganda, waxana uu ku dhamaan doonaa degaanka Birembo ee galbeedka dalkaasi.

 

Koox ka mid ah halgamaashii Uganda iyo dhalinyaro badan ayaa ka qayb qaadan doona socodkan si ay u xasuustaan geesiyaashii Xoriyada, sidan waxan lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saartay Xoghaynta Madaxwaynaha oo la yidhoo Don Wanyama.

 

“Waxa lagu wadaa in maalintiiba ilaa 30km ay qaadato inta la gaadhayo meeshii loo qorsheegay, degaankaas la hadhgalayana ay Madaxwaynaha iyo Halgamayaasha kale ay kala hadlaan dadka ugana sheekeeyaan taariikhdii xoriyada iyo tii jabhadii Fronasa iyo tan xisbiga NRM.

 

Fronasa ayaa ahayd jabhad la aasaasay sanadkii 1971kii taas oo uu hogaaminayay Madaxwayne Museveni, jabhadaas oo la dagaalantay xukunkii kaligii taliyihii Idi Amin Dada, halka uu NRM ka yahay xisbiga talada haya oo isagu ka dhashay jabhadii Fronosa.

Ma aha markii u horeeyay ee Madaxwayne Museveni oo socod sidan oo kale ah ka qayb qaato, waxana ay ahayd 4tii bishii December markii uu ka qayb qaatay socod ay samaynateen ururada shaqaalaha, madaxda booliska iyo dad kale kuwaas oo ka soo horjeeday Musuqmaasuqa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker