Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya oo maanta la dhaariyey

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka 11aad ee JFS oo ka socota teendhada Afisiyooni ee Muqdisho.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaatay shahaadada xildhibaanimo ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay kamid noqoshada Baarlamaanka federaalka.

Wakiillo katirsan beesha caalamka iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa sidoo kale goobjoog ka ah munaasabada dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee Baarkamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursan iyo Cabdixaashi Cabdullaahi ayaa maanta kamid noqday xildhubaanada labada aqal ee goordhaw lagu dhaariyay afsiyooni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker