Maraykanka oo Si badheedh ah ula Saftay Israaiil Sharcina ku Tilmaamay Deegaamaynta ay ka Wado Daanta Galbeed

Dowladda Mareykanka ayaa beddeshay siyaasaddeedii ku aadaneyd deegaameynta Israel ay ka waddo dhulka Daanta Gaalbeed ee ay ka haysato Falastiiniyiinta, waxaana ay sheegtay in deegaameyntaas aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah.

 

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Maqaamka Daanta Galbeed uu yahay mid u yaalla in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta . Aanay Tahay in ka doodaan.

 

Deegaameynta Daanta Galbeed ayay Israaiil Waday  Tan iyo sanaddii 1967-kii markaas oo ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe

Waxay muddo ahaayeen isha muranku ka Taagan yahay ee  Israel ay sida Gardarada ah ku Haysato .

 

“Kadib markii aan muddo darisay dhammaan dhinacyada muranku ka dhexeeyo  . Dowladda Mareykenka waxay go’aansatay in aas-aaska deegaanadda rayidka Israel ee Daanta Galbeed aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.

 

“In deegaanadaas loogu yeedho kuwa aan waafaqsaneyn Xeerarka caalamiga ah ma Haboona , sarena uma aysan qaadin nabad raadintii.” Ayuu sii raaciyey.

 

Warka kasoo baxay Pompeo ayaa beddelaya siyaasad soo jirtay muddo 40 sano ah oo Mareykanka uu ku aaminsanaa in deegaameyntaas ay yihiin sharci-darro.

 

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey go’aanka dowladda Mareykanka, isaga oo sheegay in is-beddelka siyaasadeed ee Mareykanka uu saxayo “qalad taariikhi ah.”

Dhinaca kale,Xubinta  wada-Xaajoodka  U Qaabilsan Falastiin Saeb Erekat ayaa go’aanka Mareykanka ku qeexay mid halis ku ah “xasiloonida, nabadda iyo ammaanka caalamka,” islamarkaana uu sharciga caalamiga ah ku beddelayo “sharciga darro.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker