Haweeneydii musqusha gashay ee la kulantay arrin cajiib ah

Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa sanado kahor qabsatay hadal heynta warbaahinta iyo baraha bulshada, kadib markii ay dhashay cunug aysan uurkiisa xitaa ka war qabin.

Kylie Hagger oo 21 jir ah, ayaa dukaan ku yaalla meel xaafad ah ka dalbatay suuli, iyadoo moodeysay inay xaajo caadi ah u baahan tahay.

Hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay markii ay suuligii kasoo baxday iyadoo wadata cunug yar.

Miss Hagger ayaa sheegtay in iyada lafteeda ay lama filaan ku noqotay arrintan, maadaama aysan wax war ah ka heynin in ay uur lahayd.

Shaqaalihii dukaanka ayaa si deg deg ah ugu gurmaday si ay u caawiyaan, balse waxay umushay kahor inta aysan kalkaaliyeyaasha imaanin.

Haweeneydan ayaa waxa dhacay ku tilmaantay “layaab, balse waxay sheegtay inay u ahayd maalin cajiib ah”.

Milkiilaha dukaaka ay haweeneydan suuligiisa ku umushay ayaa sheegay in dhacdadaas ay qaadatay wax ka yar 10 daqiiqo, waxaana erayadii ay dadku ku dhawaaqayeen ka mid ahaa ‘u yeer umuliso’.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker