Beesha Caalamka Oo Mar Kale Ugu Baaqday Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Inay Soo Celiyaan Wada Hadaladii

War-murtiyeedkan  y oo ah qabyo-qoraal ayaa ka kooban 75 qodob, waxaanay laba qodob oo ka mid ahi khuseeyaan Somaliland, kuwaas oo kala ah qodobada 20aad iyo 21aad.

Qodobka 20aad ayaa ka hadlaya dagaalka Tukoraq, “Waxaanu si qoto dheer uga walaacsanahay soo kicitaanka xiisada Tuko-raq ee gobalka Sool. Waxaanu ugu baaqaynaa Somaliland iyo Puntland inay si deg deg ah u sameeyaan xabad joojin, ciidamada la kala baxaan oo ay bilaabaan wada hadal siyaasadeed, bilaa shuruudna ku ogolaadaan arrimaha bini-aadminimada.” Sidaas ayaa lagu yidhi qodobkaas 20aad.

Qodobka 21aad ee war-murtiyeedkan oo weli ah qabyo-qoraal ah ayaa wuxuu isna dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ugu baaqay inay dib u bilaabaan wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho, “Waxaanu ugu baaqaynaa Soomaaliya iyo Somaliland inay dib u bilaabaan wada hadaladii sida ugu horaysa ee ugu suurtogalsan si is-faham-waaga u dhexeeya loogu raadiyo xal nabadgelyo.” Ayaa lagu yidhi qodobkan oo madaxda Soomaalidana guud ahaanloogu baaqay inay cadeeyaan inay ka go’antahay wada xaajoodku.

War-murtiyeedkan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlayaa xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya marayso iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee ku xeeran dawladda Soomaaliya, waxaana shirka ka qayb galaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

War-murtiyeedka waxa soo saaraya maanta dalalka shirka hagaya ee qabtay oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo dalalka kale ee deeq bixiyayaasha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker