Mahdi Guuleed Oo beeniyey Warar Sheegaya Inay Heshiish Gaadheen Cabdi Xaashi

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay barbaahinta  taas oo lagu sheegay in uu kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi islamarkana ay isfaham ka gaadheen waxyaabaha ay isku hayaan.

Wada hadallo u dhaxeeyay labada garab ee ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Ma jirto warqad si cad kaga soo baxayday Gudoomiyaha aqalka sare, Waxaase jirta warqad ay qorneen siyaasiinta ku dhow Gudoomiyaha ama kuwii wada hadalka ka midka aha.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa Hoteelka Decale shir kula qaadanaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo isku haya hab qeybsiga iyo hogaanka kuraasta gobalada Waqooyi ee Somaliland ka soo gasha Baarlamaanka Federalka ee Golaha Shacabka iyo kan Golaha Aqalka Sare ayaa warqadda lagu sheegay iney ku heshiiyeen in loo madax banaaneeyo doorashada kuraasta gobalada Waqooyi.

Waxaa sidoo kale warka uu beeniyay lagu sheegay iney ku heshiiyeen siyaasiyiinta iney dhistaan guddiga sare ee jiheynta maamulka doorashooyinka.

Mahdi Guuleed oo arrintan beeninaya ayaa ku soo qoray Facebook” warqadaan la wareejinayo wax ka jira malahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn”

Habeen hore ayey aheyd markii Mahdi Guuleed uu kulan la qaatay madaxweynayasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka kuraasta gobalada Waqooyi.

Waxaana madaxdaas ay qorsheynayaan in dhankiisa ay la kulmaan Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isaga ka soo hor jeeda siyaasadda Villa Soomaaliya iyo tan Mahdi Guuleed.

Hoos ka akhriso warqadan uu beeniyay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker