Hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee shalay miyay dowladdu kala dooratay?

 

 

 

 

 

Waxaa sanadihii dambe dowladda Soomaaliya isu soo dhiibayay rag ka tirsanaa Al Shabaab oo ay kamid yihiin saraakiil hore oo Al Shabaab ka soo qabtay xilal sare, kuwaas oo ay kamid yihiin Mukhtaar Robow Abuu Mansuur, Zakariya Axmed Ismaacil Xirsi iyo Xassan Daahi Aweys oo ay haatan siyaabo kala duwan ugu nool magaalada Muqdisho.

.
Zakariye Ismaacil, wuxuu horay uga tirsanaa Al Shabaab, haddana dowladda

Zakariya Axmed Ismaacil Xirsi

Zakariya Axmed oo wax kusoo bartay dalka Pakistan ayaa markii uu dib ugu laabtay Soomaaliya, wuxuu ku biiray xarakada Al Shabaab, waxaana aqoontiisa ay u sahashay in jaga sare uu ka qabto Al Shabaab.

Zakariya ayaa horay BBC-da ugu sheegay in shaqadiisu ay ahayd arrimaha iclaamka ama warbaahinta, waxaana uu madax ka ahaa gobolladii ay Al Shabaab mamaulayeen.

Dowladda Mareykanka ayaa horay madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan saddex milyan oo doolar, waxaana sanadkii 2013-kii uu billaabay sidii uu Al Shabaab uga soo bixi lahaa.

Muddo kadib, Zakariye waxaa uu suuragashay in uu isu soo dhiibo dowladda federaalka, oo uu hataan ka yahay sarkaal sare oo katirsan hay’adda nabadsugidda.

Hase ahaatee, waxaa muuqata in qaar kamid ah madaxdii uu ka amar qaadan jiray oo uu kamid yahay Mukhtar Robow Abu Mansuur uu wali u xiran yahay dowladda, isagoon wax maxkamad ah lasoo taagin.

.SAHAN JOURNAL
Xassan Daahir Aweys

Sheekh Xasan Daahir Aweys

Ninkan oo si weyn looga dhex yaqaanno bulshada bulshada Soomaalida, horayna usoo jabhadeeyay , ayaa la sheegaa in uu markiisii hore ka tirsanaa milaterigii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, kadibna uu qeyb ka ahaa dadkii asaasay ururkii Al-Itixaad.

Xassan Daahir oo lagu tilmaamo inuu yahay nin mayal adag, kooxihii Islaamiga ee Soomaaliya ka soo dagaalmayay na qeyb ka ahaa ayaa aad loogu xusuusta ururkii uu hogaamin jiray ee Xisbul Islaam oo markii dambe ku biiray Al Shabaab.

Aweys ayaa horay uga gaabsaday in uu ka tanaasulay fikirkii uu aaminsanaa ee Jihaadka, waxaana markii uu isu soo dhiibay dowladda federaalka la geliyay xabsi guri, kaasoo uu ilaa hadda ku jiro.

Marka laga soo tago in wali uu gacanta ugu jiro dowladda federaalka haddana wuxuu la nool yahay qoyskiisa oo waxaa marar badan uu ka soo muuqday muuqaalada tooska ah ee Facebook-ga, halkaas oo uu afkaartiisa mararka qaar kusoo bandhigo.

Marka loo eego Mukhtar Robow, Xassan Daahir waa nin la sheegayo in uu yahay xor, inkastoo aysan jirin wax rasmi ah oo isaga iyo dowladda federaalka ay ku heshiiyeen.

.ASKAR AYAA SANADIHIID DAMBE KA SOO GOOSATAY
Al Shabaab

Mukhtaar Robow Abuu Mansuur.

Mudod dheer oo uu afhayeen u ahaa Al Shabaab kadib, wuxuu markii dambe go’aansaday in uu isaga soo baxo, isagoona waqti dheer ku dhuumalaesanayay deegaanno miyi ah.

Abuu Mansuur oo sanad kahor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii uu aaminsanaa, waxaana heshiis dhexmaray isaga iyo dowladda federaalka uu sahlay in uu damac ka galo siyaasadda Koonfur Galbeed.

Mukhtar oo dadka qaar ay shegeen in uu aad u mayal adag yahay ayaa markii uu ku dhawaaqay musharaxnimada xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed waxaa muuqatay in uu helay shacbiyad badan, waxaana taasi ay keentay in dowladda federaalka ay ka feejignaato wax walba oo ay kala kulmi doonto Mukhtar.

Saameyntiisa oo sii korodhay iyo dowladda federaalka oo aan ku qancin siyaasadaha Abu Mansuur ayaa waxay dhalisay in madaxda federaalka ay go’aan ka qataan, taas oo noqotay in doorashadii Koonfur Galbeed uu ka baaqdo, laguna xiro Magaalada Baydhabo, kadibna loo sii qaaday Muqdisho.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in Mukhtar lasoo taago maxkamad ama xoriyadiisa dib loo siiyo.

“Magaalada Muqdisho waxaan u tagnay in aan dowladda federaalka kala hadlano arrinta Mukhtaar, indhaheena ayaan kusoo aragnay isagoo xabsi guri ah, dowladdauna maalin ba maalinta ka dambeysa waa ay iska keen daba wareejisay, anaguna wax rajo ah kala ma aanan kulmin”, sidaa waxaa BBC-da u sheegay Malaaq Cali Boor oo kamid ah odayaasha dhaqanka.

Inkastoo saddexdan sarkaal ee horay uga tirsanaa Al Shabaab ay labo kamid ah aqbaleen inay ka tanaasuleen fikirkii ay aaminsanaayeen ayaa haddana waxaa la isweydiinayaa qaabka dowladda ay ula dhaqanto qaarkood oo fikirkii ay aaminsanaayeen ka tanaasulay.

Qaabka dowladda ay ula macaamishay raggan ayay su’aal geliyeen dadka qaar, halka dadka wax fallanqeeyana ay ku doodayaan in waxa Mukhtar loo heysto aysan ahayn kamid ahaanshihii Al Shabaab, balse ay tahay saameynta siyaasadeed.

“Aniga waxay ila tahay in Mukhtar Robow uusan u xirnayn fikir uu aaminsanaa, balse uu u xiran yahay damaciisa siyaasadeed iyo rabitaankiisa ku aaddan maamulka Koonfur Galbeed, madaxweyhenimada Koonfur Galbeed ayaan loo oggoleyn, waxaana la rabay Baydhabo sida laga sameeyay in laga sameeyo”, sidaas waxaa ku doodaya Xassan Cali oo fallanqeeya arrimaha siyaasadda.

Waxaa kale oo uu intaa racaiyay in dowladda federaalka ay dareentay in ninkan uu khatar yahay.

Haddaba dad badan ayaa aaminsan in sida ay dowladda Federaalka u maareysay mas’uuliyiintii AL Shabaab ee isu soo dhiibay ay saameyn weyn ku yeelan karto kuwa kale ee damacsan in ay isasoo dhiibaan ama fikirkaas uu ku jiro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker