Wasiirka Caddaaladda JSL oo Ka Hadlay Xaaladda Nabadgelyo ee Gobolka Badhan

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland C/risaaq Cali Cabdi ayaa ka hadlay Xaaladda guud ee Gobolka Badhan iyo Ciidamo sheegay in ay u goosteen dhanka maamul Goboleedka Puntland.

 

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland ayaa si qoto dheer u sharraxay xaaladda guud ee Gobolka Badhan oo uu sheegay in a y tahay mid degan wakhti xaadirkan Ciidammada kala duwan iyo maamulka u jooga Somalilandna ay ku sugan yihiin xarumohoodii, waxaanu  beeniyay in Ciidammadii ku sugnaa deegaanka Ceel-Buh ee Gobolka Badhan ay ku biireen maamulka Puntland, waxaanu  xusay in Bulshada deegaankaasi ay guud ahaan taageersan yihiin Jamhuuriyadda  Somaliland.

 

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland wuxuu ka hadlay mashaariic kala duwan oo ka socda Gobolka Badhan iyo deegaannada hoos yimaada kuwaasi oo si habsami ah u socda, iyada oo bulshada deeganadaasina soo dhaweeyeen mashaariicada horumarineed ee Xukuumadda Somaliland ka waddo guud ahaan Gobolka Badhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker