Badhasaab Gobolka Awdal Oo Xabsiga U Taxaabay Cuqaal Ka Biyo Diiday Baabiinta Beeraha Deegaanka Gargaaara.

Deegaanka Gargaara ee degmada Lughaya ayaa lagu xidhay lix ka mid ah oday dhaqameedka degaankaas, kuwaas oo halkaas u tagay inay xukuumada ka hor istaagaan inay baabiiso beero ay dad barakacayaal ahi ka samayteen deegaankaas.

Amarka cuqaashan lagu xidhxidhay ayaa waxa bixiyay Badhasaabka gobolka Awdal, oo deegaanka Gargaara ku sugnaa saacado kooban, waxana ka mid ah cuqaasha la xidhxidhay Chief Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar (Garaadka), Caaqil Cali Faarax Xoosh, Caaqil Xasan Cabdi Rayaale (Xasan Gacan), Caaqil Siciid Muxumed Cali, Caaqil Muuse Cali Yuusuf (Muuse October), Caaqil Cismaan Maxamuud Buuni (Afwayne) iyo Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi.

Wararka ka imanaya degaankaas ayaa waxa ay sheegayaan in uu barasaab Cabdi-shaqaabo ka soo laabtay Gargaara, amarkaas ka dib hadana ku sugan yahay magaalada Garbadadar.

Wararku waxa ay intan ku daraaan in Gargaara ay ku sugan yihiin Ciidamadii RRU-da ahaa iyo Tiknikadii ay wateen, ilaa hadana aanay u suura galin inay baabiiyaan beerahii Wasaarada Arimaha Gudahu ku soo amartay inay cagta mariyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker