Dawladda Ethiopia oo Cafis u Fidinaysa Saraakiil 30 Sano Magan galyo ahaan ugu Xidhnaa Safaaradda Talyaaniga

 

Laba sargaal oo ka mid ah saraakiishii ugu sarreysay dowlladdii Mangistuu Haylemaaryaam ee dalka  Ethiopia oo ku dhawaad 30 sano safaaradda Talyaaniga magangalyo ugu jiray ayaa la sheegay maalmaha soo socdo in cafis loo fidinayo.

Saraakiishan oo kala ah Koorneel Biraahuu Baayih iyo General Addis Tadlaa ayaa Safaaradda Talyaaniga magangalyo ugu jiray tani iyo marki xilka laga tuuray dowladdii Dargiga ee uu Mangistuu hoggaaminayey.

Saraakiishan ayaa safaradda Talyaaniga ee Magaalada.Addis Ababa  galay maalin un ka hor inta ay xoogaggii EPRDF ay caasimadda Itoobiya ee Addiis Ababa la waregin.

Koorneel Birhaanuu Baayih ayaa dowladdii Mangiste ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda, halka uu General Addis Tadlaana uu ahaa abbaanduulaha ciidamada.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee xafiiska Xeerilaaliyaha Guud ee Federaalka Itoobiya Awal Suldaan oo BBC u warramay wuxuu sheegay labadan sargaal iney ku xukunnaayeen xukun dil ah balse madaxweynaha dalku ay marki dambe xukunka ugu beddeshay xabsi daa’im.

Labadan sarkaal ayaa xukunkaasi ku muteystay marki lagu soo eedeeyey dambiyadi dalka Itoobiya ka dhacay 17-ka sana uu Mangistu ka soo arriminayey dalkaasi iney qayb ka ahaayeen.

Mr Awal wuxuu intaasi ku daray labada sarkaal maadaamaa ay da’doodu weynaatay caafimaad darro bandanna ay la soo deristay in la soo jeediyey in xubnahaasi cafis loo fidiyo.

“Annagu halka ay ku sugan yihiin ma naqaanno. Safaaradduna waxay noo sheegtay iney xanuunsanayaan. Waxayna safaaradda noo soo jeedisay in xubnahan la iska cafiyo” ayuu yidhi.

Xafiiska xeer ilaalinta oo soo jeedinta safaaradda Talyaaniga ka duulaya wuxuu codsi ah in la cafiyo uu u gudbiyey Madaxweynaha dalka Itoobiya codsiga oo loo sii mariyey Guddiga saamaxaadda iyo cafis fidinta ee heer qaran.

“Shaqsiyaadkan dambiyada la sheegay iney galeen marka la fiiriyo ma aha kuwo cafis mudan balse 30-kii sano ee ay safaaradd ku jireen maadaamaa dhaqdhaqaaqooda uu yaraa xaalad xabsi u dhigantana ay ku jireen oo aanay  xorriyad haysan uu codsiga cafiska ku yimid” ayuu yidhi.

 

 

Safaaradda Talyaanigana waxay sheegtay ayuu yidhi Mr Awal iney safaaraddu magangelinta mooyee ay muddadaasi waxba u qaban wax welibana reerkooda ay ka heli jireen.

“Madaxweynaha dalka Itoobiya waxay oggolaatay xukunkii dilka ahaa in xabsi daa’im looga beddelo,

Xafiiska xeer ilaalintuna marka uu qiimeeyey xaaladda la sheegay iney saraakiishaasi ku jiraan uu ka garaabay in cafis loo fidiyo kiiskoodana Isniinta ayaa maxkamadda la geynayaa” ayuu yidhi.

Waxaanna rajeeyneynaa maxkamadda iney soo jeedinta xeer ilaalinta ay ku raaci doonto labadaasi sargaaalna ay cafis u fidin doonto ayuu yidhi.

 

Dowladda Itoobiya waxay marar badan ay Safaaradda Talyaaniga ee Addis Ababa ka dalbatay saraakiisha dowladda Mangiste ka tirsanaa ee ku sugan safaaradda iney ku soo wareejiso si loogu qaado xukunnadi ay maxkamaddu ku ridday balse safaaradda ayaa dalabka dowladda diiday ku dhawaad 30 sanana sraakiishaasi maganganyo ku siisay safaradda dhexdeeda.

Xilliga dowladda Mangiste ay dhacday saraakiisha isku dhiibay safaaradda Tayaaniga waxay ahaayeen Toddoba iyada oo qaarkood ay safaaradda gudaheeda ku geeriyoodeen.

Madaxweynihi Itoobiya 17-ka sana soo Hoggaaminayey ee Korneel Mangistuu Hayleaaryaam ayaa muddo 30 sana ah magangalyo ku jooga dalka Zimbaabwe isaga xilka ka dagay marki ay Jabhadda Xoreynta shacabka Eritrea ee EPLF ay qabsadeen magaalada Asmara,

2007-diina waxay maxkamada sare ee Itoobiya ku xukuntay xukun dil ah isaga oo dalka ka Maqan.

 

Hailemariam Desalegn ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Mengistu uu wax ku kordhinayo Itoobiya

Muxuu gaystay Mengistu?

 

Sanadkii 2007-dii ayay maxkamad ku heshay dambiyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan, waxayna ku xukuntay dil isaga oo Itoobiya ka maqan.

Gaim Kibreab oo ka tirsan jaamacadda South Bank University ee London oo aad wax uga qoray Mengistu ayaa sheegay in kulanka uu qaracan yahay, xitaa xilliga Ra’isulwasaaraha nabad doonka ah, Dr Abiy.

“Mengistu waa dambiile” ayuu yidhi Mr Gaim, waana fikrad dadka oo dhan ay wada Qabaan

Balse ma ahan markii koowaad ee uu Mengistu, horey Ururada mucaaradka Itoobiya ayaa sawirkiisa u isticmaalay isbedelka ka hor si ay u muujiyaan cadhada ka haysay xukunkii Itoobiya.

Sanadihii 1970-meeyadii , koox saraakiil ciidan ah oo lagu magacaabo Derg ayaa afgambiyay boqor Haile Selassie.

Mengistu Haile Mariam waxa uu Itoobiya xukumayay intii u dhaxaysay 1974 illaa 1991

Mengista oo aan markaas aad loo aqoonin ayaa kusoo baxay Hoggaanka, wuxuuna bilaabay wixii loo Aqooni jiray “Argagixisadda cas cas”,

waxaana la dilay ku dhawaad nus malyuun oo xirfadlayaal ah iyo dad mucaarad ah.

Abaar dhacday sanadkii 1984-tii ayaa Itoobiya ka dhigtay dal faqri ah, waxaana ku dhintay dad gaadhaya hal milyan oo qof.

Xukunkiisii ayaa dhacay sanadkii 1991-kii kadib markii ay afgambiyeen askartii jabhadda EPRDF oo ahaa kooxo mucaarad ah oo isu tegay.

Mengistu oo gacan ka helaya Maraykanka ayaa Tegay dalka Zimbabwe, halkaas oo saaxiibkiis Robert Mugabe uu magangalyo siiyay wax ka badan 30 sanadood.

 

Dad aad u badan ayaa hadda ka cadhooday kulanka dhacay iyo suurtogalnimada in uu Itoobiya ku laabto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker