Myanmar: Saraakiil lagu eedeeyay in ay gaysteen gaboodfal ka dhan ah dad rayida

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay heyso daliilo cad oo muujinaya in 13 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Myanmar ay galeen xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay dowr ka qaateen xasuuq loo geystay dadka Muslimiinta Rohingya-ha Myanmar dhamaadka sannadki hore.

Abaanduulaha guud ee ciidanka qalabka sida General Min Aung, sideed sarkaal oo ka mid ah saraakiisha milatariga, iyo saddex sarkaal oo madax ka ah booliska xuduudaha ayay Amnesty ku xustay warbixin ka kooban 200 oo bog oo ay kaga hadashay gaboodfallada ka dhacay Myanmar.

In ka badna 700,000 oo ka mid ah qowmiyadda laga tirade-badanyahay ee Rohingya ayaa ka cararay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar tan iyo 25-ki August 25, kadib marki ay weerareen ciidamo ka tirsan Dowlada.

(VOA NEWS)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker