Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad Oo Bookhday Dalka Iiraan

Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad ayaa markii ugu horeysay in muddo ah safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka ay xulafada yihiin ee Iran.

Bashar Al Assad ayaa la kulmay hogaamiyayaasha sare ee dowlada Iran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani.

Dowlada Iran ayaa taageero militari siisay Bashar Al Assad, Iran iyo Ruushka ayaa ahaa awoodaha militari ee badbaadiyey xukuumada Assad.

Militariga Iran ayaa hada saldhigyo ka sameystay gudaha dalka Siiriya oo xaduud la wadaaga Israel, arrintaasi oo Israel sheegtay inay tahay abaabul duulaan Iran dooneyso inay dhankooda kusoo qaado.

Lama faah faahin waxa ay ka wada hadleen madaxda Iran iyo Bashar Al Assad hase yeeshee waxaa la filayaa in labada dhinac ka wadahadleen abaabulka xiligan ay wadaan Maraykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Wadanka Iran.

Booqashada Bashar Al Assad ayaa sidoo kale kusoo beegantay xili uu si kadis ah u shaaciyey inuu xilka iska casilay Wasiirka Arrimaha dibada ee Iran, Javad Zarif.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker