Wariye qosol is hayn wayday iyada oo baahin toos ah ku jirta iyo ciqaabta ay mudan karto

Baraha Bulshada ayaa la wareejinayay saacadihii la soo dhaafay muuqaal kooban oo muujinaya Wariye Raaniya Al Cadaar oo ka tirsan Telefishanka BBC qaybtiisa Afka Carabiga taasi oo iyada oo baahin wareed oo toos ah ku jirta is celin kari wayday qosol darteed.
Inkasta oo ay Raaniya isku dayday in ay nafteeda kaantaroosho haddana waxa ay ku guul darraystay in ay hakiso qosolkeeda layaableh ee ay oodda kaga qaadday iyada oo si toos ah ugu guda jirta baahinta warka Duhurnimo ee BBC Arabic.
Raaniya oo dhawr jeer daawadayaasha u cudur daaratay ayaa haddana sii wadday qosol ay ku sigatay in ay ku suuxdo, waxaana wakhtigan kiiskeeda gacanta ku haya guddida anshaxa shaqaalaha BBC-da iyada oo aan la ogayn tallaabada laga qaadi karo. Waa fal aan inta badan looga baran wariyayaasha waaweyn oo taxadar dheer ah sameeya marka ay ku jiraan baahimaha tooska ah (Live TV Sessions)
Raaniya Al Cddaar ayaa ka mid ah wariyayaasha loogu jecel yahay Telefishanka BBC laantiisa Af Carbeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker