Madaxweyne Afrikaan Ah Oo ka badbaaday isku day dil iyo dad loo xidhay

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baadhitaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xidhay Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tidhi.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker