Mucaaradka puntland oo ka horyimid in doorashada 2024 lagu qabto qof iyo cod

Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid in doorashada 2024 in lagu qabto hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Mucaaradka ayaa sidoo kale Sheegay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi sharci-darro ah ka dhex raadinayo nidaamka doorashada qof iyo codka ah si uu xukumka u sii joogo taasina aan marnaba la ogolaan doonin.

Mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale sheegayin aysan aqoonsanayn ku dhaqanka wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan.

Siyaasiyiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Imaaraatka carabta oo ay shegeen in uu gacanta kuhayo ciidamada PMPF ee Puntland in aan loo isticmaalin muddo kororsi.

Hadalka siyaasiyinta Mucaaradka Puntland ayaa kusoo beegmaya kadib hadal madaxweynaha Puntaland jeediyay oo ku sheegay in doorashada 2024 ee Puntland ka dhici doonto ay noqon doonto mid qof iyo cod ah.

bbc
bbc

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker