Daawo Muuqaal Argagax Badan Oo Lagu Bahdilyo Gabadh Jaariyad ah Oo Dambas La Cunsiiyay

Saacadihii la soo dhaafay, waxaa si weyn baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xidhiidho loogu baahiyay muuqaal si bani’aadannimada ka baxsan loogula dhaqmayo gabar shaqaale ah oo lagu tilmaamay inay tahay Itoobiyaan.

Laba dumar ah oo la sheegay inay ku nool yihiin magaalada Hargeysa ayaa  aan ilaa hadda si dhab ah loo aqoonsan ayaa wax aan la daawan karin ku sameynayo gabadh jaariyad ah oo ay magaceeda ku sheegeen “Janno”.

Muuqaalka kooban  ayaa haweenkaas Soomaalida ah waxa ay gabadha ku qasbeen inay cunto roodhi qalalan oo ay dhulka ugu tuureen. Kadib waxa ay ku amreen in roodhida ay ku cunto dambas, arrintaas oo waxyeello caafimaad u horseedi karta.

Haweenka labada ah ayaa garaac iyo aflagaado xun isugu daran gabadhaas u muuqatay mid ku nool xaalad gumaysi oo kale ah.

Mid ka mid ah gabadhahaas ayaa la maqlayaa iyadoo gabadha jaariyadda ah ku qasbeysa inay xidhato weji-xirka, iyadoo sheegtay inay ka baqayso in la xidho.

Gabadha ayaa u hadal eg dadka oromada ah iyada  oo ku hadlaysay af-Soomaali jajaban ayaa mar gacmaha cirka u taagtay si ay Alle uga barido inuu ka saaro sílica ay ku jirtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker