Shirkadda Daabacadda Casriga Ah Ee SAGALJET Ayaa Hargaysa Kusoo Bandhigat Buug Laga Qoray Suuggaanta CabdiQays

Hargaysa:(OWN)-Munaasibadda ayaa waxa kasoo Xaadiray Badiba Bahda Qallinyadda,Abwaanno,Siyaasiyiin Iyo,Haween iyo Asxaabtii CabdiQays ee Wayaaha Nololeed soo wada Qaateen iyo Muddan kale.

Sacad Cabdi Daahir,Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda ku caanka ah daabacaddaha ee Sagaljet,ayaa halkaas kusoo dhaweeyay Qeybaha Bulshadda ee Madasha kasoo xaadiray,waxaana uu sheegay inay Shirkad ahaan farxad u tahay inay ku guulaystaan inay Buuggan daabacaan,taas oo ku faraxsan yihiin in Tacabkii ay Buuggaas galiyeen Maanta midho-dhalay.

Qoraaga Buugga,Cali Maxamed Yuusuf  (Cali-guray),waxa uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha uu koobsanyo Buuga geediga CabdiQays,isaga oo xusay inuu u kala ablo-ableeyay Saddex Nololood oo uu CabdiQays soo maray,kuwaas oo kala ah; Nolashii Jabuuti,Tii Xamar iyo tii Hargaysa.

Abwaano,Siyaasiyiin iyo mart-sharaf kale oo halkaasi ka hadlay,waxay ka marag-kaceen Muhiimadda uu leeyahay Buuggani iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto Taariikhda Suugaaneed ee ku duuggan.

Image may contain: 1 personImage may contain: 8 people, beard and outdoorImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 7 people, people sitting and suitImage may contain: 9 people, people standing and indoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, on stage and textImage may contain: 20 people, people smiling, people sitting and crowdImage may contain: 29 people, people smiling, people sitting and crowdImage may contain: 1 person, textImage may contain: 1 person, eyeglassesImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, textImage may contain: 1 person, shoes and textImage may contain: 1 person, textImage may contain: 2 people, textImage may contain: 2 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker