Dowlada Federalaka Somalia oo Balaadhinaysa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Muqdisho (OWN) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaada inay Waddo qorshe lagu Ballaadhinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in bishan gudaheed uu billaabanayo qorshe lagu balaadhiayo Garoonka Aadan Cadde.

 

“Nabadda oo sii korodha, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, Garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd, runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto, laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay Shirkadda Garoonka Maamusha, taaso oo balaadhin doonto garoonka.” Ayuu yidhi wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maadaama dhul ku filan oo banaan oo garoonka lagu ballaariyo uusan jirin oo uu badda ku teedsan yahay, inay dhanka badda u ballaarin doonaan garoonka qyeb ahaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker