“Madaxweynaha waan ku hanbalyaynaa hirgelinta heshiiskii aanu Addis Ababa ku gaadhnay”

Keyse Cabdi Yuusuf, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii khatumo ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey hirgelinta qodobo ka mid ah heshiiskii ay magaaladda Addis Ababa ku wada gaadheen Somaliland.
Qodobadaasi oo uu sheegay inuu ka mid ahaa sidii maamulka dawladda Somaliland loo gaadhsiin lahaa deegaamadda gobolka Buuhoodle, isla markaana maamul daadejin loogu samayn lahaa.
Waxa kaloo uu tilmaamay in qodobadda heshiiskaa ka mid ahaa ee ay xukuumadda Somaliland fulisay inuu ka mid ahaa sidii bulshadda deegaanka Buuhoodle loogu ogolaan lahaa in ay iyagu soo doortaan goleyaashoodda deegaanka.
Siyaasi Kayse, ayaa madaxweyne Biixi, uga mahad celiyay hirgelinta waxyaabihii ay heshiiska ku wada gaadheen, isagoona madaxweynaha Somaliland u jeediyay hadallo gar-naqsi ah u diray madaxweynaha Somaliland.
Hadaladaasi oo uu ku eedeeynayay wasiirro iyo siyaasiyiin ay deegaanka Buuhoodle ka soo wada jeedaan, kuwasaasoo uu ku dhaliilay in aanay daacad ka ahayn in deegaankaasi uu horumar ka hirgeliso xukuumadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker