Deg deg: Qarax culus oo lala beegsaday Goob uu Raysalwasaaraha Ethiopia ka Hadlayey

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka.

 

Warbaahinta Itoobiya iyo Ra’isulwasaaraha laftiisa ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dad kala duwan.

Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa markiiba meesha lagala cararay, wuxuuna markii dambe hadal ka jeediyay xafiiskiisa, hadalkaas oo toos looga baahiyay taleefishinka qaranka Itoobiya.

Faahfaahin lagama bixin cidda ka dambeysay qaraxa, balse walwalka laga qabo amniga horey ayay usii muuqatay, waxaana la arkayay Ra’isulwasaare Abiy oo ka hadlayay meel lagu xayndaabay difaac quraarad ka samaysan.

lamana oga in loola jeeday qaraxan khaarajin raysal wasaaraha loo maleegayey.

Ra'isulwasaaraha oo ka hadlaya xeendaab qaruurad ka samaysan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker