Qaramada Midoobay oo sheegtay horumar wayn in laga gaadhay khatartii Budhcad badeeda Somalida.

Madaxa Qaramada MidoobAy u qaabilsan Waaxda la dagaalanka Budhcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaadhay howlgalkooda Xeebaha Soomaaliya iyo Biyaha ka baxsan.

Jaime Srebanche;  waxa uu sheegay in Sanduuqa Lacagta ee La dagaalanka Budhcad badeedda uu u baahan yahay lacago si loosii horUmariyo hubinta soo afjaridda Warwarka ka imaan karo Kooxahaasi.

Waxa uu tilmaamay in Dowlado dhowr ah ay ka qayb qaateen dadaalka wax looga qabanayo weerarada Budhcad badeeda, sidaa awgeedna Dadaalkii ay bixiyeen la doonayo in midho dhalkiisa la gaadho.

Jaime Srebanche;  Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Waaxda la dagaalanka Budhcad badeeda Soomaalida waxa uu tibaaxay in muddo dhowr Howlgalkoodu uu qaadanayay Wajiyo iyo isbaddello kala duwan.

Bilawgii Howlgalkaan sanadkii 2011-kii ayuu tilmaamay in ay Xiligaasi la kulmeen La tacaalidda Weerarada Budhcad Badeeda oo xad dhaaf ahaa, Khatartooda ay badnayd sida uu hadalka u dhigay.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo la dagaalama Kooxaha Budhcad badeeda Soomaalida,waxaa ay sidoo kale ilaaliyaan Maraakiibta Ganacsi ee maraya Biyaha Soomaaliya iyo biyaha Caalamiga ah ee ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker